Amar cusub oo la dul-dhigtay Maamulayaasha Iskuulada ay dowladda maamusho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir oo kahadlayay hanaanka waxbarashada bilaashka ah oo ay bixiso dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad u kooban tahay tirada ardayda kafaa’ideysta waxbarashada lacag la’aanta ah ee Wasarada waxbarashada Soomaaliya dugsiyada hoostaga ay bixiyaan.

Wuxuu sheegay in taas badalkeeda ay kabadan yihiin ardayda dhigta goobaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leelayahay isla markaana waalidiintooda ay ka bixiyaan waxbarashada, sidoo kalena ay jiraan dad kasii badan oo aan heysan waxbarasho.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku bogaadiyay maamulada iyo macallimiinta iskuulada dhabar adeygooda iyo sida ay u barbaarinayaan mustaqbalka dalka, asiga oo faray in aan wax dhaqaale ah laga qaadin Ardeyda wax ka barata dugsiyada ay maamulaan ee hoostaga Wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa gacanta kuheysa schoolo farabadan oo Waxbarasho bilaash ah siiya kumanaan ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ka faa’iideysanaya.