Amar cusub oo la duldhigay Shaqaalaha Ajaanibta Maamulka Jubbaland

KISMAAYO-AYAAMAHA-Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku amartay dhamaan Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgalla degaannada Maamulkaas in ay si deg deg ah isku soo diiwaan geliyaan.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Jubbaland Maxamed Axmed Cali ayaa lagu amray Shaqaalaha Ajaanibta in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 8-da Bisha Febaraayo ilaa 28 Bishaan inay isa soo diiwangeliyaan.

” Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad goboleedka Jubaland waxay fareysa dhamaan Shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya dowlad goboleedka Jubaland inay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha
laga bilaabo 08-02-2022 ilaa 28da bishan si ay uqaataan ogolaanshaha ruqso shaqo.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada oo gudaneysa wajibaadkeda Shaqo ay amrayso in dhamaan Shaqaalaha ajaanibta ah u hogaan samaan sharciga iyo Amarka Wasaaradda.

Shaqaalo farabadan oo Ajaanib ah ayaa ka Shaqewya degaannada Jubbaland, kuwaas oo Maamulka uu doonayo in la diiwaangeliyo si Canshuur looga qaado.