Amar Ka Dhan Ah Ganacsatada Magaalada Boosaaso Oo Lasoo Saaray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa amar ku bixiyay in la xiro dadka diidan isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga oo waayadaan aheyd dhibaatada ka taagan degaannada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Bari ku amray inay Xabsiga dhigaan Ganacsade kasta ee  diidda socod-siinta & isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, si sharciga loo hor-geeyo.

Intasi kadib Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa waxaa lagu arkay wadooyinka iyo suuqyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyaga oo doonaya in ay qabtaan dadka diidan qaadashada lacagta shillin Soomaaliga.

Kulan ay khamiistii todobaadkii la soo dhaafay yeesheen Maamulka Gobolka Bari, Taliska Booliska, Ganacsatada iyo waxgaradka Magaalada ayaa waxaa lagu go’aamiyay in laga wada Shaqeeyo socod-siinta lacagta shillinka Soomaaliga.

Degmooyin & degaano ka tirsan Puntland oo ay kujirto Caasimadda Magaalada Garoowe ayaa kamid ah meelaha laga diiday isticmaalka Shillin Soomaaliga, waxaana dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo arrintaas.

Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowr jeer soo saartay amaro lagu doonayo in lagu dhaqan-geliyo isticmaalka lacaga Shillin Soomaaliga ah,  basle aan lagu guuleysan,waxaana xilligaan Bulshada ku nool degaannada Puntland caqabada koobaad ee heysata ay noqotay diidmada lacagta Shillin Soomaaliga.