Amar kasoo baxay Ra’isul Wasaare Xamse oo cabsi ku abuuray Ganacsatada Soomaaliyeed

XAMZA HOP#203

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto ururka Al-Sabaab, isla markaana ay sameyneyso waxkasta oo dalka looga saari karo.

Ra’iisul Wasaaraha oo Wareysi ku siiyay Magaalada Addis Ababa Warbaahinta Alcarabiya TV ayaa sheegay inay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan cid walba oo gacan saar la leh Al-Shabaab si ay uga guuleystaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Dowladda Soomaaliya dagallada ka socda Gobolada dalka ay guulo waaweyn ka gaartay kadib markii ciidamada dowladda & dadka degaanka ee is abaabulay degaano badan kala wareegeen ururka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay guulo ka keenaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayna kala wareegaan degaannada iyo degmooyinka ay kaa sugan yihiin dalka.

Warkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal meel walba uga furtay Al-Shabaab, isla markaana dhawaan Wasaaradda ganacsiga ay digniin u dirtay ganacsatada iyo shirkadaha ka howlgalla dalka, kuwaas oo ay sheegtay in aanay wax la xiriir la sameyn karin Al-Shabaab, siina karin wax lacag ah.