Amarkii Lafta-gareen oo buray iyo Sheekh Aadan Madoobe oo qaatay shahaadada xildhibaanimada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada xildhibaanimada ee kasoo galay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayuu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu cadaadinayo in aysan qaadanin shahaadada, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid meel looga dhacayo karaamada xildhibaanimada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay qaataan shahaadooyinka si doorashadii daahday loo dardar galiyo.

HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264 ayaa qaatay shahaadooyinka xildhibaanimo ee BJFS.

Waxaa muuqata inuu buray amarkii Lafta-Gareen oo ahaa in xildhibaanada Koofur Galbeed aysan qaadan shahaadada ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka heer Federal

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa la filayaa inay Maanta Shahaadada Xildhibaanimo ay siiyaan Xildhibaano dhowr ah, waxaana Gudoomiyaha Guddiga uu markale ka dalbaday Xildhibaannada dalka ka maqan inay deg deg u soo gaaraan muqdisho si ay shahaadada u qaataan.