AMISOM & Booliska Somalia oo ka wada hadlay Amniga doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Booliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay dardargelinta sugidda amniga doorashooyinka & hawlaha hortebinta u leh Guddiga Amniga Doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga doorashooyinka ayaa sheegay in  Guddiga Amniga Doorashooyinka ay ka go’an tahay in doorashooyinka dalku ay ku dhacaan jewi nabad & caddaalad ah.

Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay kaalin weyn ka qaadan doonaan sugida Amniga doorashooyinka Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabanaya dalka.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kan AMISOM ayaa la filayaa inay siweyn uga qeyb qaataan sugida amniga doorashooyinka dalka oo loo xilsaaray, si doorashooyinka ay u noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay.