AMISOM oo diiday warkii dowladda iyo qiyaanada xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Askartooda.

AMISOM DIL TOOGASHO LAGU XUKUMAY
AMISOM DIL TOOGASHO LAGU XUKUMAY

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warsaxaafadeed kaso baxay Taliska Midowga africa qeybtiisa Soomaaliya gaar ahaan howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in fulinta xukunkii jimcihii lagu riday askar & saraakiil qeyb ka ahaa dadkii lagu laayey gol weyn ay xukunkooda lagula fulin doono Dalka Uganda.

Labo Askari ayaa lagu xukumay dil toogasho ah halka seddex kalena lagu riday xukun ah 39 sano xabsi ah,balse lama oga sida Dawlada & ehelada dadkii lagu dilay Gol weyn u aqbali doonaan warka AMISOM kasoo baxay.

Qoraalka Taliska AMISOM soo saareen ayaa loogu mahad celiyey Wakiilka Midowga Africa Soomaaliya ujooga danjire Fransisco Madiera iyo Dawlada Soomaaliya doorkii ay ku lahaayeen sidii cadaalad loo hor keeni lahaa askartii dhibka geysatay.

Muddo ku dhaw seddex bilood ayey meydadka dadkii lagu dilay golweyn ku jireen firinjiyeer ku yaalla Muqdisho balse todobaadkii hore ayaa la aasay is faham ay gaareen Ehelada iyo Saraakiisha AMISOM.

Shalay Wasiirka Cadaalada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in ay shacabka soomaaliyeed la wadaagi doonaan xilliga iyo goobta xukunka lagula fulin doono.

Shakiga ku geedaaman warkaan cusub ayaa ah in laga cabsi qabo inay jiri karto toogashada labada askari in aan la fulin maadaama xukunkooda la sheegay in dalkooda ku qaadan doonaan.

Kudhawaad 7 qof ayaa lagu dilay 10-kii bishii Agoosto sanadkaan deegaanka Gol weyn ee Sh/Hoose xilli markaasi weerar jid gal ah AMISOM kollonyo ay la socdeen kala kulmeen Al Shabaab balse ciidanka Uganda ay caro darteed shacab qaarkood beeraleey ahaa si bareer ah udileen.

Kiiska dadkaasi la dilay waxaa soomaaliya isbuuc ka hor looga ceeriyey kuxigeenkii wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya danjire simon malongu oo lagu eedeeyey inuu is hortaag ku hayey cadaalad helida dadkii la dilay ee soomaaliyeed,sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya.