AMISOM oo khilaafkii Farmaajo iyo Rooble dab kusii shiday, go’aan cusubna soo saartay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska AMISOM, ayaa qoraal kasoo baxay caawa sheegtay in laga bilaabo 10 ilaa 16 bishaan April ay xiri doonto kaamka ay deggan yihiin ee xerada Xalane.

AMISOM, ayaa sheegtay in hubin iyo baaritaano ay ka fulin doonto gudaha kaamka.

Meelaha lagu xusay warqadda waxaa ka mid ah guud ahaan in ganacsiyada la xiri doono kuwa gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay qaybta gaarka ah ee duulimaadyada ee Movcon.

Tani ayaa ka dambeysay markii la sheegay in amni daro iyo digniino culus ay heleen weeraro argagaxisadu damacsan yihiin balse laga feejigan yahay.

Sidookle arrintaan ayaa sida wararku sheegayaan waxay qeyb ka tahay khilaafka Farmaajo iyo Rooble ee ceyrintii Fransisco Mandera, iyadoo wararka qaarna ay sheegaya in Mandera uu maalmaha soo socdo uu imaankaro Muqdisho isagoo adeegsanaya diyaaradaha UN ka ee howlgalka AMISOM.