Ammaanka caasimadda Kenya ee Nairobi oo sare loo qaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa aad loo adkeeyay amaanka agagaarka aqalka madaxtooyada dalka Kenya iyo magaalada Kisumu ,kadib markii ay soo dhamaatay muddo 14 maalmood ah oo mucaaradku ay soo saareen.

Hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga, ayaa 22kii Febraayo ku hanjabay in uu hogaamin doono mudaaharaadyo waaweyn laga bilaabo 9ka Maarso haddii maamulka madaxweyne William Ruto uu ku guuldareysto inuu wax ka badelo qiimaha badeecadaha muhiimka ah.

Odinga ayaa sidoo kale ka codsaday dowladda inay dedejiso baaritannada dib loogu eegayay doorashada madaxtinimada ee dalka ka dhacday sanadkii hore.

Odinga ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Ruto uu yahay mid aan sharci ahayn, isaga oo soo xiganaya xog sir ah oo muujineysa in uu ku guuleystay doorashada.

Dowladda ayaa shalay ciidamada ammaanka geysay agagaarka Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi iyo Kisumu, sida laga soo xigtay wargayska Daily Nation.

Magaalada Kisumu waa magaalo ay ku xooggan yihiin mucaaradka. Shalay, mucaaradku waxay ku hanjabeen inay taageerayaashooda isku soo ururin doonaan oo ay xoog ku geli doonaan Qasnadda dalka iyagoo ka cabanaya kor u kaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ah.