Ammaanka Magaalada Baydhabo oo la adkeeyay kadib falal Amni darro

Baydhabo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Waxaa siweyn loo adkeeyay Amniga Guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay tan iyo markii uu halkaasi ka dhacay qarax lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullahi Cali Watiin iyo Sarakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa kormeer ku tagey rugaha Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Xaafadaha iyo Duleedka Magaalada Baydhabo.

Ujeedada Kormeerka oo ay eheed u kuur galida Amniga Magaalada Baydhabo, wuxuna Wasiirka intii kormeerka ku jirey rugaha Saraakiisha Ciidanka Amaanka ka xogwareysanayey sida ay u sugeyaan Amaanka, wuxuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan Sugida Ammaanka Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Mustaf Garabeey ayaa sheegay in howlgallada ka socda Magaalada Baydhabo ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo, Isla markaana lagu ogaanayo halka ay weerarada kasoo qaadaan Al-Shabaab.

Todobaadyo ka hor ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed & qaar kamid ah ilaaladiisa.