Amniga Baraawe oo sii xumaanaya iyo weerar xalay ka dhacay Magaalada.

AL-SHABAAB IYO Baraawe
AL-SHABAAB IYO Baraawe

BAYDHABO-AYAAMAHA-Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa xalay lagu weeraray Hoyga Magaalada Baraawe uu ka degan yahay Gudoomiyihii hore ee degmadaas.

Kooxo hubeysan ayaa beegsaday guri gudoomiyaha , waxaana la sheegay in Ciidankii ilaalada ka hayay ay rasaas ku fureen.

Gudoomiyaha la weeraray oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka isaga iyo sidoo kale ciidankii ilaalada ka hayay.

Howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada ayaa ka socda Baraawe Xilli dhawaan lagu waddo in lagu qabto doorashada golaha Shacabka.