Amniga Muqdisho oo la qorsheynayo in sare loo qaado Bisha Ramadaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed , Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yusuf Xuseen Madaale, ayaa Xarunta Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir kula kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Boliiska iyo Guddoomiyeyaasha Degmaayinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa sugida iyo Adkeynta  Amniga iyo Xasiloonida dadka ku dhaqan Caasimada iyo Nawaaxigeeda. Maadaama, bishii barakeysneyd ee Ramaadaan nagu soo foodleedahay.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin ayaana Masuuliyiintaan ugu warbixiyay halka ay marayaan Howlaha dardargalinta sugida Amniga caasimada iyo deegaannada kale ee hoos yimaada.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed , Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay dhammaan taliyeyaasha Ciidamada inay adkeeyaan sugida Amniga Caasimadda kana feejignaadaan weerarada Al-Shabaab..