Amniga Ra’iisul wasaare Rooble oo halis ku jiro iyo Xogo sirdoon oo la soo bandhigay.

ROOBLE safar howleed ku tagay degmada Balcad
ROOBLE safar howleed ku tagay degmada Balcad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa aad loo adkeeyey amniga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo la kordhiyey ciidamada ilaaliya xafiiska, sidookale waxaa la kordhiyey amniga Ra’iisul wasaaraha markuu ka baxayo xafiiskiisa, waxaana la geeyey ciidan dheeraad ah oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Arrinta ayaa timid kadib markii la gudagalay doorashada Soomaaliya, islamarkaana uu hareeyey buuq badan, taasi oo muddo dheer soo jiitameysay.

Sidookale hanjabaada kadib ayaa amniga Ra’iisul wasaaraha ayaa aad loo adkeeyey waxaana laga cabsi qabaa in gabi ahaaba la qaarajiyo, waana markii ugu horreysay oo amniga Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed sidan oo kale looga cabsado in la dilo.

Waxaa ugu badan ee sacadihii lasoo dhaafay la isweydinayo ayaa ah yaa u hanjabay Ra’iisul wasaare Rooble?