“Anigoo goobtayda ganacsiga jooga ayaa askari qori watay iga dhacay Mobelkeyga iPhone 12 Pro Max”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa laga dareemaya amni darro saa’id oo kusoo korartay intabadan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana habeen iyo maalin dhac loo geysanayaa qeybaha kala duwan dadka ku nool magaalada.

Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Maxamuud maxamed oo kamid ah dhallinyarada Magaalada kana mid ah ganacsata Muqdisho ayaa xalay isagoo goobtiisa ganacsiga jooga waxaa laga dhacay telefonkiisa oo ahaa iPhone 12 pro max.

“Mobel iPhone 12 Pro Max Oo cadaan ah ayaa layga qaatay caawa goobtayda shaqada, Askari qori wataa iga qaatay, sawirkaas ayaa saaran shaashada Mobelka plz qofkii arka Nambaradaan ha igala soo xariiro 615300228/615524299 Share dhaha” ayuu yiri Cali.

May be an image of 2 people, people standing, indoor and text that says "BRA HIBAAN KAMED I CALI CAJIIB)"

Habeen hore waxaa xaafad ku taala degmada howl-wadaag waxaa u galay burkad hubeysan oo wata qoryaha AK47, waxayna ka qaateen dhammaan waxii qalab oo yaalay guriga iyo waxkasta oo ay qaadankareen. Sidookale xalay Macalin Jaamacadeed oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow ayaa degmada Dharkeynley lagu dilay, waxaana loo dilay telefonkiisa gacanta kadib markii muran dhexmaray isaga iyo burcadii telefonka rabtay inay ka qaadato.