Antonio Guterres Oo Mar Kale Loo Doortay Xoghayaha Guud Ee Q/Midoobey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  waxay xalay u codeeyeen inuu Antonio Guterres xilkaasi sii hayo shanta sano ee soo socota.

Danjiraha Dowladda Estooniya u fadhiya Xarunta Dhexe ee QM, Ambassador SEVEN JURGENSON oo ah Guddoomiyaha bishan ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa akhjriyey Qaraarka ka soo baxay Golahaasi oo tirsigiisu ahaa 2580.

Waxa uu ku dhawaaqay Dib-u-doorashada Xoghayaha Guud ee QM oo u dhashay dalka Bortiqiiska oo uu xilli hawleedkiisa labaad u bilaaban doonto bisha Janaayo Kowdeeda ee sanadka soo socda ee 2022-ka ilaa bisha December ee sanadka 2026-ka.

Dhinaca kale, Golaha Guud ee QM ayaa la filayaa inay bishan June 18-da kulan ka yeeshaan Dib-u-doorashada labaad ee Xoghayaha Guud ee QM.

Antonio Guterres oo 72-sano jir ah waxa uu Xoghayihii Guud ee 9-aad ee QM noqday sanadkii 2017-kii, wuxuuna horey muddo 10-sano ahaa Madaxii Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Waxa kale oo uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii dalka Bortiqiiska muddadii u dhexeysay sanadihii 1995-kii ilaa 2002-dii.