MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka.
Xubnaha maanta ay doorteen Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka ayaa waxay kala yihiin:-
- Maxamed Xasan Idiris.
- Farxiya Muumin Cali.
- Burhaan Aadan Cumar.
- Axmed Maxamuud Jaamac.
- Maxamed Cabdalla Saalax.
11-kii Bishaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixiyeen Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin.