Aqalka Sare oo ansixiyay Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka.

Xubnaha maanta ay doorteen Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka ayaa waxay kala yihiin:-

  1. Maxamed Xasan Idiris.
  2. Farxiya Muumin Cali.
  3. Burhaan Aadan Cumar.
  4. Axmed Maxamuud Jaamac.
  5. Maxamed Cabdalla Saalax.

11-kii Bishaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixiyeen Xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin.