Arday lagu afduubtay Nigeria oo lasii daayay

Dowladda dalka Nageria ayaa sheegtay in lasii daayay 14 arday oo ay kooxo hubeysan ka afduubteen bil ka hor Jaamacad ku taallada degaanka Kaduma ee dhaca waqooyi bari Nigeria.

Kooxaha hubeysan ee dalka Nigeia ayaa si is-dabajoog ah weerarro afduub ah ugu qaadayay bilihii aynu kasoo gudubnay Jaamacado iyo Iskuullo ku yaalla waqooyi bari dalka Nigeria, iyagoo halkaa ka qafaashay in ka badan 700 oo arday tan iyo bishii December ee sanadkii tagay.

Dalka Nigeria ayaa caan ku ah kooxaha hubeysan ee afduubka u geysta ardayda, kuwaas oo ehelkooda ka qaata madax furasho.