Arrin cajiib ah oo ku saabsan nin oday ah oo horkacaya ciidamada dowladda

Waa qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Abdirahman Yusuf Al-adala

Halkaan waa Gobalka Mudug, ninka dharka Shacabka ah wata waa oday Deegaanka ah, waxaa daba socda Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Daraawiishta Galmudug.

Odaygu waa mujaahid Dhul yaqaan ah oo Khawaarijtu ciriiri galiyeen noloshiisa ka dibna wuxuu goostay in uu la dagaalamo Khawaarijta.

Hadda garab ayuu helay wuxuuna Ciidamada ku hugaaminayaa Dhulkii uu ku dhashay ee Khawaarijtu ka saartay.

Wuxuu isku hayaa labo shaqo, mar waa dhul bixiyeen Ciidamada kala tusaya meelaha ay Khawaarijtu ku dhuumanayso, marka labaadna wuxuu dhiniciisa ka galayaa Dagaalka oo qorigiisa ayuu garwaaxeedsanyahay.

Tani waa tilmaanta iskaaashi ee ka dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qaranka waana sababta ugu wayn ee jabisay Khawaarijta aqbalka alle ka sakoow.

Fursadda aan haysano Maanta waa  wadajirkeenna waana Wadka Khawaarijta.