Arrin mucjiso ah:- Kaneeco sabab u noqotay in la xiro tuug guri jabsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliiska dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay qabteen tuug kadib markii ay DNA-giisa ka heleen dhiiga labo kaneeco oo ku dhintay goobtii uu dhaca ka geystay.

Waxaana loo maleynayaa in kaneecada uu is ka dilay xilli ay ku dhex cuntay gurigii uu wax ka xaday.

Booliska ayay u suurogashay inay arkaan kaneecadii tuugga qaniintay ee uu ku dilay halkaas.

Jariirada South China Morning Post ayaa sheegtay in tuugga uu jabsaday guri dabaq ah oo ku yaala koonfurta bari ee magaalada Fuzhou, (oo ku taal gobolka Fujian), bishii June, wuxuuna xaday alaabo qaali ah ka hor inta aanu go’aansan inuu halkaas ku hoydo.

Booliiska oo baarayay goobta uu fal-dembiyeedku ka dhacay ayaa helay labo kaneeco oo dhintay kuwaas oo dhiiggii ay ka dhuuqeen uu ka muuqday gidaarka.

Baaritanaka hide sidaha DNA-da ayaa lagu ogaaday in dhiigaasi uu ahaa midka nin dambiile ah oo si weyn loo yaqaano.

Booliska ayaa markii soo xiray tuugga, wuxuuna qirtay dambigii uu geystay.