Askar Kenyaan Ah Oo Lagu Dhaawacay Weerar Ay Alshabaab Ka Geysteen Mandheera

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saddex Sarkaal oo ka tisan Boliska dalkaasi ayaa waxaa saakayto lagu dhaawacay weerar ay Alshabaab ku qaadeen gaari ay Ciiddankaasi la socdeen oo marayey Deegaanka Bambahowla ee ka tirsan Mandheera.

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay tacshiirad huwiyeen Gaarigaasi oo ka yimid Saldhigga Boliska Wargaduud, kunja sii jeeday Degmadda Ceel-waaq.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray ayaa qoray in weerarkaasi lagu dhaawacay 2 ka tirsan Ciiddanka Kaydka Boliska Kenya iyo Ku-simaha Sarkaalka Taliyaha Saldhiga Boliska, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Deegaanka.