Askar Ku Dhimatay Rasaastii Xalay Ee Dabaal-degga Xuska 26-Ka Juun.

JOWHAR-AYAAMAHA-Rasaas xalay loo ridayay dabaaldega Munaasabadda xuska 26-ka June ee maalintii  Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya ay ka.xuroobeen gumeysigii Ingiriiska ayaa waxaa ku dhintay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askar ka tirsan Dowladda oo ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle gaar ahaan afaafka hore ee goob ay ka socotay xuska 26-ka June ayaa furay rasaasta, waxaana ku dhintay askari kamid ah ciidanka.

Sidoo kale laba Askari oo ka kala tirsan Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa goobta ku geeriyooday.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada ay dareemeen casbi xoogan, isla markaana waxaa la sheegay in markii hore rasaasta oo aad u dhacday loo maleynayay iska horimaad Ciidan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda.