Askari Horay U Dilay Wiil Bajaajle Ah Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xulun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilka wadaha Bajaajta ayaa ka dhex dhacay Saldhiga degmada luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo kamid ahaa Ciidamada Booliska degmada luuq gacanta ku dhigay Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga.

Marxuumka uu dilka u gaystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle, waxaana dilku uu ka dhacay Saldhiga Degmada Luuq, halkaasi oo la sheegay in si bareer ah uu u dilay marxuumka Bajaajlaah ahaa.

Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan qoyska Marxuum Sugow Gaarane Ciyow.