Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo dil askari ka tirsan Ciidanka Dowladda uu u geeystay wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay magaciisa lagu sheegay Abdifitax Mohamed Macalin.

Dilka uu Askirigu ugeeystay Abdifitax ayaa yimid kadib markii uu Askariga rasaas ku furay Dhalinyaro is kooxeeysatay kuwaa oo lagu sheegay in ay ahaayeen ciyaal weero, askariga ayaa sidoo kale lasheegay in uu ku sugnaa marka uu filka geeysanayay gurigiisa oo ku yaaala Hilwaa .

Dilka Kadib qoyska uu ka dhashay wiilka la dilay ayaa waxa ay sheegeen in uu san  Abdifitax Mohamed Macalin ka mid aheyn Dhalinyarada is kooxeeysatay ama ciyaal weerada sidoo kalena wiilkooda loo dilay xaqdaro.

Dhacdadaan ayaa sidoo kale kusoo beegmeeyso xili magaalada Muqdisho maalmihii danbo ay ka bilawdeey in nolosha lagu toogto Dhalinyarada is kooxeeysatay ama ciyaal weerada.