Askari lagu dhex dilay Isgoys caan ah oo ku yaala Muqdisho

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Isgoyska Warshadda Caanaha ee Muqdisho ayaa waxaa kooxo hubeysan ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya sida ay sheegeen dadka degaanka.

Sida la sheegay askariga la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano taraafikada, waxaana goobta ka baxsaday kkooxihii dilka geystay, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay howlgallo.

Maalmahaan dambe magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Shaqsiyaad kala duwan , waxaana Todobaadkii lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay Askar iyo wiil dhalinyaro ah.