Askarigii dilay Arday dhiganayay Jaamacada Camuudi oo xukun adag lagu riday

HARGEYSA-AYAAMAHA-Maxkamadda Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa  xukun dil toogasho ah ku riday Cismaan Diiriye Buraale, oo ah askarigii jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ku toogtay Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda Camuud.

Askariga maanta la xukumay, ayaa jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama 5 bishii July ku dilay arday lagu magacaabi jiray Ibraahin Salaad oo kamid ahaa ardayda Kulliyada Ingineerinka ee jaamacadda Camuud.

Xukunsanaha iyo qareenadiisu ayaa waxay haystaan fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka wallow aan si rasmi ah wali loo xaqiijin ay gudbiyaan dalabka rafcaanka oo dhamaanaya 30-casho gudaheeda.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay asgariga oo kamid ahaa ilaalada jaamacadda iyo Ibraahin salaad, waxayna xukuumadu xiligaas ehelada marxuumka u balan qaaday in askariga dilka gaystay sharciga la marin doono taasi oo maanta maxkamadda millaterigu fulisay.

Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ka qalinjabiyey Iskuulka Najax ee magaalada Boosaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland.