Askarigii u danbeeyey ee Maraykan ah oo ka baxay Afghanistan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Militariga Mareykanka ayaa soo afjaray daadgureyntii ay ka wadeen Afghanistan, taas oo ka dhigan in uu soo dhammaaday ololihii uu bilaabay George W Bush wixii ka dambeeyay September 11-keedii labaatan sano ka hor.

Rasaas dabaaldeg ah oo ay ridayaan Taliban ayaa la maqlayey kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee Mareykanku leeyahay ay baxday.

Bixitaanka diyaaraddaas ugu dambeysay ayaa muujineysa dhammaadkii dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka, iyo dadaal daadgurayn ballaadhan ahaa oo billowday 14 -kii Ogoosto, wax yar ka dib markii Taliban ay qabsatay waddanka.

Gen McKenzie o o dusha kala socday soo bixitaanka Mareykankaayaa sheegay in guud ahaan, diyaaradaha Mareykanka iyo isbahaysiga ay daadgureeyeen in ka badan 123,000 oo rayid ah, taas oo celcelis ahaan noqoneyso in ka badan 7,500 oo rayid ah maalintiiba.