ATMIS iyo Booliska Soomaaliya oo ka shiray Amniga goobaha lagu qabanayo Doorashada guddoonka labada Aqal.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa isbuuca soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacaan doorashooyinka guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxaana socda diyaar garow xooggan oo loogu jiro doorashada.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya sidoo kale ah ah guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka Jeneraal Xijaar ayaa saraakiil katirsan howlkgalka ATMIS kala hadlay amniga goobaha lagu qabanayo doorashada guddoonka labada aqal.

Booliiska Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ayaana is dhaafsaday warbixino la xariira xaaladda ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka inta ay socdaan doorashada.

S/Gaas Xijaar ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu u taagan yahay ilaalinta ammaanka goobaha ay ka dhacayaan dooarshooyinka iyo amniga  Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa lagu wadaa in Muqdisho ka dhacaan 26-ka iyo 27-ka bishan April, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo la xariira diyaar garowga doorashada iyo adkeynta amniga.