Awoodaha Ciidamada Soomaaliya iyo Kenya Ma Isu Dhigmaan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Soomaaliya iyo Kenya ayaa awood ahaan dhinaca tirada ciidamada milatariga isku dhow, inkastoo qalabka kale ay aad ugu kala duwan yihiin, shacab ahaan ay kala badan yihiin labada dal ee dariska ah.

Milatariga Kenya, oo magacooda loo soo gaabiyo KDF (Ciidanka Difaaca Kenya) waxay toos u dhisnaayeen tan iyo markii uu waddankan ku yaalla bariga Afrika xornimadiisa qaatay sanadkii 1963-kii.

Soomaaliya ayaase sannadihii dambe ku dadaaleysa dib u dhiska ciidamada qaranka, oo qeybo kala duwan leh, kaddib markii ay ku dumeen burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii meesha ka baxday.

Wargeyska Global FirePower, ayaa dhawaan soo bandhigay liiska muujinaya awoodaha milatari ee waddamada caalamka. Warbixintan waxaan ku eegeynaa farqiga awoodaha milatari ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Inkastoo arrimo badan lagu eegayo xogta waddamada, Soomaaliya ayaa tirada ciidanka u dhiganta ama wax yar ka hooseysa Kenya.

Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca milatariga.

Kenya

Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Tirada guud ee shacabka Keny waxay ka badan yihiin 48 milyan,

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 ruux, oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud.

12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 848,370.

Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Kenya

Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya.

17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka.

20 waxay kala gudbiyaan saanadda milatari.

32 waa diyaaradaha tababarka.

2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah.

79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya

Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin:

76 taangi.

479 gawaadhida gaashaaman ah.

30 madaafiicda iskood isu haga ah.

25 madaafiicda la jiido ah.

Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido.

Awoodda Ciidamada Badda – Kenya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19.

7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $27,590,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Kenya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457 km.

Kenya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Soomaaliya.

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay

10 taangi.

100 gawaadhida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

30 madaafiicda la jiido ah.

10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Milatariga Kenya, oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugan tan iyo sanadkii 2011-kii, halkaasoo ay ka fuliyaan howlo ay ka mid tahay la dagaallanka ururka Al-Shabaab.

Tallaabadaas ayey Kenya qaadday kaddib markii weerarro ka dhacay gudaha dalkeeda ay mas’uuliyaddooda sheegteen Al-Shabaab oo xilligaas dhaqdhaqaaqyo xooggan ka waday gudaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka geeska Afrika.

Waxay ciidanka Kenya howlgalka midowga Afrika ku wehliyaan kuwa dalalka kale ee ay ku jiraan Uganda iyo Burundi.

Ujeeddada ay Soomaaliya u joogaan ayaa ah in ay amniga dhowraan inta laga helayo ciidamo Soomaali ah oo si buuxda ula wareega mas’uuliyaddaas.

Dowladda Soomaaliya oo dhankeeda u xusul duubeysa inay dib u dhisto ciidankii qaranka ayaa ku guuleysatay in ay tababarro u sameyo kumannaan askari iyadoo kaashaneysa waddamo uu ka mid yahay Turkiga.

Ciidamada sida weyn loo hadal hayo ee sannadihii dambe Soomaaliya u dhismay waxaa ka mid ah Haramcad iyo Danab.

BBC/AYAAMAHA