Awoodii Rooble & Farmaajo oo si toos ah loogu wareejiyey Aadan Madoobe

Dagaalka cusub ee Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyihii kumeel gaarka ah golaha shacabka C/salaan Xaaji Axmed Liibaan (dhaban cad) oo maanta saxaafada kula hadlay hoolka Afisiyooni ayaa ka hadlay xaalada doorashada.

Dhaban cad ayaa cod dheer ku sheegay in xalay doorasho adag galeen islamarkaana wakhti badan lagu bixiyey in la gaaro yoolkii la hiigsanayey.

Gudoomiye C/salaan dhaban cad ayaa si buuxda usheegay in awooda dalka xilligaan la joogo la wareegay gudoomiye Aadan Madoobe oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Dhaban cad ayaa tibaaxay in Awoodii Rooble iyo midii Farmaajo labaduba Aadan Madoobe hoos joogto isagana uu xilkaasi sii heyn doono waa sida uu warka uyiriye.