Axmad Madoobe oo ku xanuunsanaya isbitaal ku yaala dalalka Carabta

MUQDISHO-AYAAMAHA-IMadoobe ayaa markii ugu dambeysay 21-kii July meel fagaaro ah lagu arkay kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo horay u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland.

Hogaamiyahan kaligii-taliska ah, ayaa bishii July ee la soo dhaafay ku dhex kufay suuliga gurigiisa, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhabarka ka jabay.

Ilo-wareedka ayaa  xaqiijiyay in Madoobe markii hore la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi, balse markii ay xaaladiisa ka sii dartay loo qaaday Imaaraadka si loogu soo daweeyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland oo ku aadan xaaladda Caafimaad ee Axmed Madoobe oo horay u soo noqday hogaamiye katirsan Al-Shabaab iyo horjooge Malleeshiyaddii Raasmaanbooni kahor inta uusan sanadkii 2013-kii noqon madaxweynaha Jubbaland.

Madoobe ayaa dabayaaqadii sanadkii 2012 ka qabsaday Al-Shabaab magaalada dekedda leh ee Kismaayo, isagoo wata Ciidamada difaaca Kenya [KDF] oo ka caawiyay inuu ku guuleysto hadafkiisa.

Intii uu madaxda ka ahaa, Kismaayo waxaa ka dhacay kufsi loo geystay haween iyo dilal qorsheysan oo lala beegsaday odayaasha dhaqanka, ganacsatada, iyo dadka firfircoon ee loo arko inay mucaarad ku yihiin maamulka Madoobe.