Axmed Karaash oo uga sii darey xaalada dagaalka Boosaaso

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqo-joojin ku sameeyey laba kamid ah wasiiradda maamulkaasi oo lagu eedeeyay is-hortaagii shalay lagu sameeyay gargaarkii ay waday Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji.

Qoraal ka soo baxay Axmed Karaash ayaa lagu sheegay in shaqa joojin lagu sameeyay Wasiirka Duulista Hawada Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax kuwaasi oo lagu eedeeyey ku lug-lahaanshaha shaqaaqadiii dhimashada iyo dhaawaca sababtay ee xarunta gobolka Bari.

Talaabadan ayaa la rumeysan yahay iney uga sii dareyso xiisadda magaalada Boosaaso, iyadoo dagaalkii shalay uu sababay dhimashada 13 askari iyo 3 qof oo Shacab ah, halka dhaawaca uu intaas kasii badan karo.

Lama oga in Deni uu aqbali doono talaabada uu Karaash shaqada uga joojiyay labadaasi Wasiir, waxeyna dad xog ogaal ah sheegayaan in Deni uu iska diidi doono go’aankan, maadaama uu soo saaray kuxigeenkiisa oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni oo wali ku maqan Imaaraatka Carabta ayaa la filayaa inuu soo gaabiyo socdaalkiisa, xubno madaxtooyada ka tiraan ayaa ku waramaya in Jimcaha kahor la filayo inuu Deni soo laabto,
halkaas oo uu ka bilaabayo kulamo lagu dejinayo xaaladda magaalada Boosaaso.