Axmed Madoobe iyo Guddiyada Doorashooyinka oo ka shiray daahfurnaanta Doorashada Kismaayo

Axmed Madoobe iyo Guddiyada Doorashooyinka
Axmed Madoobe iyo Guddiyada Doorashooyinka

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe maanta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddiyada uu la kulmay kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgalinta daahfurnaanta Doorashooyinka, isla markaana ka shaqeeyaan sidii doorashada u noqon laheyd mid daahfuran oo xor ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto wakhtiga iyo fursadaha wali dalka lagaga hirgalin karo Doorashooyin lagaga samata bixi karo xaalada Taagan ee dhinacyada amniga iyo abaaraha si loo helo dowlad Awood u leh wax ka qabashada arimahaas mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ku boggaadiyey shaqooyinka ay hayaan, wuxuuna ka dalbaday inay sii laba jibaaraan, ayna doorashada noqoto mid daahfuran.

Jubbaland ayaa dhawaan soo saartay Liiska 14-ka kursi ee ugu horreeysa kuraasta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Maamulkaas, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.