Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo Safaaradaha kala rartay iyo dagaal cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashadii Soomaaliya kadib xiriirka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu tilmaamay mid aan fadhin islamarkaana weli labada dhinac kuma guulaysan in ay xalliyaan mad-madowgii ka dhashay doorashada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan ka tirsanaya Axmed Madoobe in aanu si hagar la’ uga la shaqayn ololihiisi doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa isna doonaya in uu Garoowe yimaado Xuska 1-da Agoosto oo ku beegan markii la as’aasay Puntland si uu Siciid Deni uga qanciyo mad-madowgii ka dhashay ololihii doorashada.

Labadan masuul maamul goboleed ayaa waxay aheen kuwa aad isugu dhow oo midba midka kale garab siiya hadii uu culeys siyaasadeed uu dareemo, waxaana Saciid Deni garab buuxa siiyey markii Axmed Madoobe dagaal kala kulmay dowladii uu hogaaminaayey Madaxweyene Farmaajo oo xiligaas dagaal xun ku qaatay Axmed Madoobe.