Axmed Madoobe oo guddiga doorashooyinka ka dalbaday in la billaabo doorashadda golaha Shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah xubnaha Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafadka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan Guddiyada uga mahad celiyay sida hufan ee ay usoo dhamaystireen doorashooyinka xubnahii u danbeeyay ee Aqalka  sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland oo khamiistii lasoo dhaafay la dhameystiray kuraastii harsaneyd.

Waxaa uu tilmaamay in guddiga loo baahan yahay in ay si dhaqsiya leh u soo daadejiyaan doorashada xubnaha golaha Shacabka oo uu sheegay in ay muhiin yihiin xilliga kala guurka.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay sii laba jibaaran shaqooyinka horyaala taas oo qeyb ka ah dadaalada dalka loogu jihayno Doorashooyinka oo hada muhiim u ah dalkeena.