Axmed Madoobe oo kulan la qaatay afartii Senator ee maanta lagu doortay Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa aqalka martida ku qaabilay xubnaha Cusub ee maanta loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS  kuwaasoo ah xubnahii ugu danbeeyay ee laga sugayay Dowlada Jubaland kuwaasoo kala ah.

Afarta senator ee maanta la doortay ayaa kala ah:- Xasan Daahir Yarow, Ibraahim Aw-gaab, Laylo Nuur Maax iyo Maryan Faarax Kaahiye.

52 ka mid ah 54 xubnood ee golaha aqalka sare ayaa la doortay, waxaana haray doorashada labo kursi oo ku dhiman dowlad goboleedka Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa xubnahan ku booriyay inay si Wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan Dowlada Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono doorashadii xubnaha Golaha shacabka, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo.