Axmed Madoobe oo Kulan Xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saacado ka hor Kismaayo kulan kula yeeshay Wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminaye Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Odowaa Yusuf Raage oo maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Kismaayo. kulanka ayaa lagaga hadlay Sidii loqaadi lagaa holgal mideysan oo kadhan ah Ururka Al shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbalad ayaa saraakiisha Mareykanka uga warbixiyay dagaalka maamulkiisa kula jiro Al Shabaab waxa uuna ka codsaday saraakiishan in ay kordhiyaan taageerada ay ka siiyaan la dagaalanka Al Shabaab.