Axmed Madoobe oo loo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta Degmada Garbahaarey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa muddo ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarey kadib saaka kasoo dhoofay halkaas, iyagoo gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Guddiga oo uu horey u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana koobnaa wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Kismaayo u tagay sidii ay madaxweynaha Jubaland ugu gudbin lahaayeen magacyada illaa 4 qof uu sharaxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Magaalada Garbahaarey oo la filayo in lagu qabto qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka.

Magacyada afartaan qof ayaa waxaa guddiga usoo gudbiyey waxgaradka iyo odayaasha Garbahaarey ee taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulamo dhex maray odayaasha iyo guddiga uu magacaabay Rooble.

Sida ku qoran heshiiskii labaad oo ay 27 May ku saxiixdeyn Muqdisho madaxda Maamul Goboleeyada dalka iyo Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magacabaya Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda ka maqan Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu afartaan qof ka doorto laba qof oo noqonayo guddoomiyaha iyo ku xigeenka Magaalada Garbaahaarey.

Magaalada Garbahaarey ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada illaa 16 kursi, waxaana heshiiska la gaaray ku qoran in magaaladaas la geeyo ciidamo boolis ah oo ka socdo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM