MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulankaan maanta ka dhacay magaalada kismaayo ayaa waxa uu ufurmay golaha wasiirada jubbaland,iyadoo tababar seddex cisho ah qaadanaya ufurmay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo furay shirka ayaa sheegay in wasiirada looga baahan yahay in casharada ay qaadanayaan ka faa’iideystaan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamul wanaaga iyo dar dar gelinta Hiigsiga Xukuumada lagu baranayo aqoon isweydaarsiga inta uu socdo.
Dar daaran guud ayuu ujeediyey Wasiirada ka qeyb galaya siminaarka,isagoo mahad celin udiray dhinacyada casharada bixinaya ee khubarada ah.
20 Bishaan oo ku beegan Arbacada isbuucaan ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo tababarkaan waxaana ujeedkiisa ugu weyn ay tahay sidii wada shaqeyn udhexmari laheyd Hay’adaha Dawlada.