Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Guddiga doorashooyinka heer federaal.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Mohamed Islaam, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Kismaaho ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Dhowaan ayaa l filayaa in Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo lagu qabto doorashada 16 kursi oo guddiga doorashooyinka ay kasoo wareejiyeen Magaalada Garbahaarey.