Axmed Madoobe Oo Magacaabay Golaha Wasiirada Cusub ee Jubbaland

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Sida ku cad liiska golaha wasiirada ee cusub waxaa inta badan xilalkooda waayay wasiiradii horey xilalka u hayay,halka wasiirada qaarkood wasaaradaha loo kala wareejiyay.

Magacaabidda golaha wasiirada maamulka jubbaland ayaa qaadatay muddo ku dhaw 2 sano isla markaana waxay ahayd mid si wayn loo wada sugayay.