Axmed Madoobe oo shaaciyey liiska Senataro horey mucaarad ugu ahaa farmaajo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Xubnahan oo loo gudbiyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland (SIET) ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Ilyaas Gaboose, iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Jubbaland ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahadceliyay soo gudbinta Liiska Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo ah 9 Musharax.

Qoraalka hoos ka akhriso.

UJEEDDO: SOO GUDBIN LIISKA MUSHARAXIINTA QEYB KA MID AH KURAASTA AQALKA SARE EE FEDERAALKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

Anigoo tixraacaya Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa 71AAD Heshiiska 17kil September 2020 Muqdisho ee hanaanka doorashooyinka 2020/2021 iyo war-murtiyeedyadili shirarkii Golaha wadatashiga Qaran ee 27 May/2021 iyo 29 June/2021 Muqdisho.

Waxaan halka idiinku soo gudbinayaa liiska musharaxiinta qeyb ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya ah sida soo socota;

1. Cabdullahi Sheekh Islaaciil Fartaag Axmed Maxamed Jaamac

2. Xalimo Jaamac Maxamed Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

3. Ilyaas Badal Gaboose Maxamed Axmed Sayid Sharmake Maxamed Cabdi

4. Ibrahim Yacquub Ismaciil

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xili dib u dhac uu ku yimid doorashadaas oo aheyd in la qabto 25-kii bishaan July.