Axmed Madoobe oo si rasmi ah u aqbalay codsi ka yimid musharaxiinta mucaardka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga jawaabo cabashada mucaaradka ee ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan arimaha doorashada, isaga oo aqbalay codsi ka yimid.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisa uu tixgelin doono cabashada musharaxiinta, islamarkaana uu beddali doono xubnaha 4-ta ee Jubaland ku matala guddiyada doorashooyinka qaranka, haddii laga helo shaqaale, askar ama dad aan dhex dhexaad noqon karin.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen in maamullada Jubaland iyo Puntland badalaan xubno shaqaale rayid ah oo guddiyadooda ku jiro.

Codsigaas kadib ayaa Caasimada Online waxay heshay xog sheegaysa in maamulada Jubaland iyo Puntland aqbaleen in ay badalaan xubnaha qaar ee ku matala guddiyada doorashooyinka qaranka, taasi oo Axmed Madoobe uu si rasmi ah u xaqiijiyey.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale shalay sheegay in dalka aysan doorasho ka dhici doonin, haddii aan wax laga qaban xaaladda gobolka Gedo iyo dhibaatada ay ka waddo dowladda federaalka.

“Waxaa la yiri doorasho sidaan haloo qabto maamul kastana laba magaalo ha ku qabto, anaga waxaa noo qiran inaan Kismaayo iyo Garbahaarey ku qabano doorashada, marka su’aashu waxay tahay Jubbaland maanta Garbahaarey ma ka talisaa? Jabhado iyo ciidan ayaa lagu sii daayey, maanta jabhadihii sagaashamaadkii ayaa wax lagu raadinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda federaalka ay fuliyaan wixii lagu heshiiyey oo gobolka Gedo ay ku soo wareejiso Jubbaland.

“Doorasho kuma dhaceyso noocaan afduubka ah, dalkan waxaa looga baahanyahay wixii lagu heshiiyey in la fuliyo, madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda federaalka waxaa looga baahanyahay inay kala saaraan, nooca lagu heshiiyey inay doorashadu u dhacdo iyo ololahooda doorasho inay kala saaraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.