Axmed Madoobe oo war ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacaday Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jubbaland ayaa war ka soo saaray doorashadii maanga ka dhacday Kismaayo taasoo lagu doortay afar sanator oo ka mid noqonaya xildhibaanada cusub oo ah kuwii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga doorto tan iyo 2016 ka.

Alle weyne ayaa mahad leh.

Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray.

Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.

Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.

Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.