Baarakac xoogan oo ka socda Boosaaso iyo Wararkii u dambeeyey xaalada Magaalada.

BOOSAASO-AYAAMAHA-Waxaa weli laga maqlayaa qeybo kamid ah Magaalada Boosaaso rasaas ay is weeydaar sanayaan Ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF, kaas oo siweyn saameyn ugu yeeshay Magaalada Boosaaso.

Ka sokoow dagaalka ayaa waxaa barbar wocda barakac xoogan oo ay sameeynayaan dadka danta yar, kuwa qaba baahiyaha gaarka oo Magaalada iskaga baxaya si uusan waxyeelo ugu geysan dagaalka.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo shalay dib ugusoo laabtay magaalada Garowe uu amar ku bixiyay in ay ciiddanka Puntland soo afjaraan howlgalka Boosaaso.

Afhayeenka u hadlay ciiddanka PSF ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in ay isku fidiyeen goobihii shalay lagu dagaalamay iyo aagga madaxtooyada.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamo katirsan Puntland iyo gaadiidkooda dagaalka ay kusoo biireen dhinaca PSF, isagoo sheegay in ay iska difaacayaan duulaan kasta oo kaga yimaada madaxweyne Deni sida uu sheegay.