Baaritaan lagu sameyn doono gabar ku tartamaysay magaca Soomaaliya oo aan Wasaaradda sports-ka ogeyn

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono gabar lagu magacaabo Nasra Abuukar Cali oo ku tartamayay magaca Soomaaliya oo u muuqday mid aan diyaar u aheyn tartanka ay ka qeybgashay kuna guul dareysatay tartanka.

Narso ayaa u oroday si ay taageereyaasha Soomaaliya iyo kuwa isticmaala baraha bulshada aan ku farxin, waxayna ku dhammeysatay orodka koowaad ee isreebreebka Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka ee FISU ee ka socda magaalada dalka Shiinaha.

Wasiirka Isboortiga Maxamed Barre ayaa u sheegay warbaahinta dowladda inay baaritaan ku sameyn doonaan sida loo soo xushay orodyahannadan. Wuxuu intaas ku daray inaysan ku ordin magacan qaran, laakiin ay ku oroday magacan Jaamacadeed.

“Wixii maanta (shalay) dhacay maahen mid munaasib ku aheyd ummadda Soomaaliyeed. Waan ka xumahay. Waan ka raalligelineynaa bushada Soomaaliyeed” ayuu Maxameda Barre u sheegay warbaahinta dowladda.

Wuxuu dhinaca kale hambalyo u diray orodyahanka Xasan Cali Iidow oo ka qeybgalaya isla tartankan Jaamacadaha ee dhinaca ragga, kaas oo galay kaalinta afraad, isaga oo u soo gudbay wareegga labaad.

Narsa Abuukar ayaa dhaliil kala kulantay Barashada, waxaana noqotay mid lagu maadeysto oradkeeda, waxayna tartankaan aadey iyadoo aan u diyaarsanayn tartan orad.