Baarlamaanka Carabta Oo Digniin U Diray Dalalka Deris La’ Ah Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baarlamaanka dalalka Carabta ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan doorashada la filayo inay sanadka cusub ka dhacdo dalka Soomaaliya, ee weli muranka uu ka taagan yahay.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa looga digay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa Gobolkaba ay faragelin ku sameeyaan doorashada Soomaaliya 2020-2021.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dalalka deriska la’ ah Soomaaliya ay faragelin siyaasadeed ku sameeyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, iyagoona Digniin u diray dalalka Gobolka ee faragelinta wada.

Baarlamaanka ayaa adkeeyay in weerarada Al-shabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro.

”Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah iyo qaar gobolka ah isku dayayaa iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah.”  Lagu yiri Qoraalka lasoo saaray.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale Qoraalkooda ku caddeeyay inay dowladda Federaalka ka taageri doonaan Arrimaha amniga, midnimada, qarannimada, waxbarashada iyo la-dagaalanka Al-shabaab.