Baarlamaanka Carabta Oo Ka Hadlay Qaraxii Kismaayo Ee Ciyaartoyda Jubbaland

MUQDISHO-AYAAMAHA-War kasoo baxay baarlamaanka Carabta ayaa si kulul looga hadlay qaraxii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo lala beegsaday gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Kooxda kubada Cagta ee JCCI.

Qpraalka ka soo baxay Baarlaamnka Carbata ayaa waxaa loogu tacsiyeeyay eheladii ku waayay qaraxa dadkooda, iyado sidoo kela loogu rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay, kuwaasi oo dhammaantood Ciyaartoy ahaa.

Bayaanka ka soo baxay Baarlaamnka Carbata ayaa waxaa intaas lagu sii daray inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, si looga guuleysto Ururada wax loogu yeero Argagixisada ah.