Baarlamaanka Hirshabelle oo u yeeray Gudoomiyaasha G/Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

JOWHAR-AYAAMAHA-Waxaa maanta Jowhar ka qabsoomay Kalfadhiga 2aad Kulankiisa 10aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo xildhibaanada kulankoodaasi ajendahiisu ahaa.

1. Soo Bandhigida Soo Jeedinta Xildhibaanada ee u yeerida Gudoomiyayasha Gobollada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe.

2. Dhageysiga Warbixinta Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka Hirshabelle.

Ugu Horeyn Xildhibaan Mukhtar Hassan Mohamed ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Soo Jeedinta Xildhibaanada ee u yeerida Gudoomiyayasha Gobolada ee Hiiraan iyo Shabellada Dhexe.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Baarlamanka Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein ayaa xildhibaanada kahor akhriyey Warbixinta Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka Hirshabelle.

Ugu Dambeyn Kalfadhiga 2aad ee baarlamanka Hirshabelle ayaa soo xirmay waxaana Xildhibaanada lagula dar daaramay in Mudada fasaxa ay ku laabtan deegaan doorashadooda si Kalfadhiga 3aad ay baarlamanka u horkeenan Warbixin kusaabsan xaalada nololeed ee deeganada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.