Baarlamaanka Itoobiya oo maray tijaabo caafimaad oo dhinaca aragga ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xubnaha Golaha Wakiillada ee Federaalka Itoobiya ayaa maanta maray tijaabo dhinaca aragga iyo weliba baadhis la xidhiidha cudurka Cancerka ee ku dhaca dhinaca Naasaha.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Itoobiya Dr. Lia Tadese ayaa sheegtay in xanuunnada indhaha iyo weliba Cancer ka ku dhaca Naasuhuba ay yihiin kuwo si weyn ugu faafay dalka Itoobiya. Taa darteena ay wadaan wacyi gelin iyo olole lagu ogaanayo dadka il daran labaadaas cudur.

Tiro ka badan 1.6 milyan oo qof ayaa sannad walba la kulma xaalad indha beel ah. Halka Cancer ka Naasuhuna uu yahay ka ugu badan noocyada Cancer ee soo rita dadweynaha Itoobiya.